Cape Town(Oodweynenews)-Madaxweynaha Dalka Koonfur africa Jacob Zuma Ayaa Guursadey
Xaaskii Tobonaad, Kadib Xaflad Ballaaran oo loogu Sameeyay Tuulada Lagu
Magacaabo Filazmad ee Hoostoostimaada Magaalada durban.
Madaxweyne Jacob Zuma Ayaa Lagu Waramayaa Haweyneydaan uu
guursadey inay Da,deedu tahay 39 Jir Sida Ay War baahinta u Sheegegtay
Gabar ay ilma habreed yihiin oo lagu magacaabo Mukwo linto, waxaana
Meherkoodu iyo caruuskooduna uu ka dhacay Isla Tuuladaasi Iyadoo Sidoo
Kale Xaflado Waa weyn oo loogu dabaal dagayo meherkiisu uu ka dhacay
Gobola Kuwa Zulunatana oo ay sida weyn ugu badanyihiin Dadka uu kasoo
jeedo Jacob Zuma.
Madaxweyne jacob Zuma ayaa Iminka yeelanayo Seddex Xaas marki lagu
daro Xaaskaan Cusub oo uu iminka guursaday, Waxaana uu horey u
guursaday 9 Haweyn ah oo imka seddex ka mid ah uu qabo.
Dhaqanka Dadka uu kasoo Jeedo Madaxweynuhu Ayaa Qaba in qofku uu
guursan karo ilaa Sagaal (9) Xaas, Iyadoo Xusid ay mudan tahy in maanta
saxaafadda Gudaha Dalka South africa ay ka sheekeynayeen Guurarkii kale
duwanaa oo uu soo maro Madaxweyne Jacob Zuma.
Haweyneydaan Cusub ee uu guursaday Madaxweyne Jacob Zuma ayaa
noqaneysa Haweyneydii ugu horeysay oo uu guursado tan Iyo Markii loo
magacaabay inuu noqdo Madaxweynaha Dalka Koonfur africa.

Mustafa Xasan Wabax
Oodweynenews.com
Cape town South Africa.