By:Abdi M.Saleiman(Mingiste)
08/02/08
Inkastoo aan si fiican u aqaano guud ahaan siyaasada Xisbiga Kulmiye,haddana ismaan lahay Xisbigu ilaa iyo xadkaas ayuu ka liitaa xaga siyaasada,la kulankii Jandayi Fraser-na waxaa dibada soo dhigay sida Xisbigu Kulmiye uga madhan yahay guud siyaasada shacabka reer Somaliland ku socdaan.
Dhinaca kalena waxaad moodaa in Xisbiga Kulmiye ay iskaga khaldameen UDUB iyo Jandayi Fraser,sababtoo ah wixii uu UDUB ku odhan jiray ayuun buu Jandayi Fraser- ay la hor tageen.
Waxaa iyana layaab igu noqotay markaan arkay Xog . Ar.Dibada ee ee Xisbiga Kulmiye oo loo diiday in uu ka qayb galo shirka lala yeelanayey Jandayi Fraser.Waxaan hubaa in uu yahay nin ka dheregsan qadiyada Somaliland ,wuxuu xidhiidh dhow la leeyahay wadanka USA,waana xaqiiqa haddii uu ku jiri lahaa cida la kulmaysa waftiga in uu wax ka bedeli lahaa wixii Kulmiye waftiga ula tageen.
Waxaan akhriyey warsaxaafadeed Feb 5. 08 uu soo Xog. Gud. Siyaasada ee UDUB Cumar Jamac farax oo ka mid ahaa xubnihii uga qayb galay shirkii Xisbiyadu la yeesheen waftigii ay hogaaminaysay Jandayi Fraser,waxaa iiga muuqday in uu yahay nin fahmay halka Somaliland u socoto
UDUB waxay yidhi:-
§
Inaanu ilaalinayno sharciga iyo dastuurka dalka
§
inaanu dulqaad u leenahay dhaliilaha mucaaradku mar walba ka sheegaan Xukuumada.
§
In Somaliland wax weyn ku soo kordhisay xasiloonida gobolka
§
In Somaliland dhisatay dawlad, hogaan iyo goloyaal dadkeedu soo doorteen
§
Waxa shacbiga Somaliland ka filayaan booqashadaada oo ah aqoonsi iyo in wax nagala qabto dimoqraadiyada, horumarinta iyo nabad gelyada
§
In aanu diyaar u nahay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo waqtigooda qabsooma.
.Waxaa isna akhriyey qoraalka ka soo baxay Gud.Hargeysa ee Xisbiga Kulmiye Feb.7.08 waxaana iska cad in Gudoomiyuhu aanu fahmin waxa uu ka hadlay Omar Jamac,balse waxaa moodaa in uu Xisbigu weli ku adkaysanayo khaladkii uu Ummadda Somaliland ka galay,waxaana habooneyd in Warsaxaafadeedku noqdo mid Xisbiga in uu raali gelin ka bixiyo wixii uu ku hadlay.
Kulmiye wuxuu yidhi:-
§
In aan dawladdu ku dhaqmin miisaaniyadii sanadkii hore oo khilaaf ka jirey
§
In Xukuumaddu is hortaagto sharciyada ka soo baxa golaha wakiilada
§
In lagu tunto xuquuqul insaanka
§
In si sharci darro ah loo xidhxidho saxaafada
§
In si sharci darro ah loo xidhay qoladii qaran
§
In xukuumadu ka dhigtay suuqi ganacsiga mid cid gaar ah u xidhan( Monopoly).
§
In doorashada ay ka qabaan dareen ah inaanay qabsoomi doonin.
§
Madaxweynuhu markuu soo noqday waxba nooma sheegin ee fadlan noo sheeg waxii uu idin kala hadlay.
- Miisaaniyada-Shuruucda-Xuquuqul insaanka- Saxaafada – Xilliga doorashooyinka-Madaxweynu waxba nooma sheegin- intuba waa wax u gaar ah arimaha gudaha ee Somaliland ,waana wax laga wada hadli karo gudaheena ,haddiiba ay jiraan.
- Qaran baa la xidhidhay- Qaran waa fadhiday goobtaas,haddii ay xadhig ka cabanayaana waxaan iayaga ayaa hadlaayey,laakiin maan fahmin waxa keenay in Kulmiye Jandayi Fraser kala hadlo arimaha Qaran.
- Arinta la yaabka leh ee Xisbiga Kulmiye sheegay ayaa waxay tahay in GANACSIGA wadanka cid gaar ahi MONOPOLY ku haysataa ?,anigu ma garanayo laakiin Kulmiye aayaa cadeyn looga fadhiyaa.
Hadal iyo dhamaan qoraalka Xisbiga UDUB wuxuu muujinayaa sida uu uga horeeyo Siyaasad ahaan iyo sida ay uga dhab tahay raadinta QADIYADA goosi isu taaga Somaliland .
Qraalka Kulmiyana wuxuu markhaati cad ka yahay sida aanu u fahansaneyn waxa ay doonayaan shacabka Somaliland ,waana ayaan daro haysata Xisbiga Kulmiye siyaasad ahaan.
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
oodweyne News marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida.