Shirkada is-gaadhsiinta Telelsom oo mar walba heegan u ah ka haqab-tirida bulshada Somaliland adeegyada is-gaadhsiineed ee loo baahan yahay, ayaa noqotay shirkadii ugu horaysay ee noocyada adeegyada telefoonada ka hir-gelisa guud ahaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada Gobolka Oodweyne. Isla markaana degmo iyo Tuulo kastana waxa ay u samaysay meel xudun u ah oo laga hago. Adeegyada is-gaadhsineed ee shirkadu aagaas ka hirgelisayna waxa ay isgu jiraan qaybaha Telefoonada sida Land-line-ka [Telefoonka guryaha la dhigto] iyo Telefoonada gacanta lagu qaato ee Moobilada.
Waxaana halkan laguugu soo gudbinayaa Telefoonada lagala xidhiidhi karo xarunta guud ee Gobolka iyo xarumaha kale ee hoos yimaada ee laga sameeyey aagaas.
Xarunta dhexe ee Gobolka Oodweyne waxaa laga xidhiidhi karaa: -
Tell: 00252-2-723300, Fax: 00252-2-723301
1- Gudibi : 00252-2-723110
2- Khaatumo : 00252-2-723111
3- Laan-mullaaxo : 00252-2-723040
4- Harada gubataxil : 00252-2-723140
5- Qolqol : 00252-2-723141
6- Harasheekh : 00252-2-723080
7- Gatiitalay : 00252-2-7231o5
|